Askarta Kenya Oo Lagu Weeraray Gobalka Jubbada Hoose.

Qarax miino4545Kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Kenya waxaa saacadihii lasoo dhaafay qarax culus lagula beegsaday wadada xiriirisa deegaanka Taabto iyo degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada hoose.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxey haleeshay gaari Taw ah kaasi oo la xaqiijiyay in goobta uu ku burburay.

Sidoo kale gaari Labaad oo Taw ayaa la xaqiijiyay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay firirka qaraxa’waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar Kenyaati ah.

Kolanyadaan qaraxa lala beegsaday ayaa kasoo baxay deegaanka Taabto kuwaasi oo oo kusii jeeda dhanka degmada Dhoobley ee isla gobalka Jubbada hoose’waxeyna Kolanyada Kenya ku hakadeen deegaanka Haawina oo ah goobta qaraxa lagula beegsaday.

Calamada.com

1 Comment
  1. Cabfirizaaq Omar Mahamed says

    Masha Alah Qaan ku Farax Sanahay in La Wx Yeeleyo Cadoawka SOMALIA. iyo Kan ISLAAMKABA. Masha Alah Guul Mujahidiinta XARAKATUL Shabaab.

Comments are closed.