Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Nasaarada Kenya ay ka sameysteen mid ka mid ah deegaanada gobalka Jubbada hoose.
Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Husingow oo ka mid ah goobaha Nasaarada Kenya duulaanka kaga suganyihiin gobalkaasi.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka laga maqlayay deegaano iyo tuulooyin ku dhaw dhaw deegaanka Husingow.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka’iyadoona dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalkii xalay uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaay ee mudooyinkii dambe ka dhacay deegaankaasi.
Dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Husingow ee gobalka Jubbada hoose waxa uu imaanayaa xilli qaraxyo iyo dagaala labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay wadada xiriirisa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb lagu dilay tobaneeya askari oo Itoobiyaan ah islamarkaana Amxaarada laga gubay labo gaari oo isugu jira Xamuul sahay ay ku wateen iyo gaari Cabdi bile ah.
Calamada.com