Askarta Maamulka Farmaajo Oo Markale Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho.

Askari ka tirsan dowlada Ridada ee Farmaajo ayaa si bareer ah qof shacab ah ugu dilay qeybo ka mid ah magaaladan Muqdisho.

Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Isgoyska Banaadir,iyadoona askariga Murtadka uu dilay qof shacab ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.

Askariga ayaa isku dayay inuu Lacag baad ah ka qaato darawalka Moota Bajaajta balse darawalka ayaa diiday bixinta lacagtaasi Baadi ah,muran dheer kadib askariga maamulka Murtad Farmaajo ayaa rasaas ooda uga qaaday qofka shacabka ah taasi oo sababtay inuu Wadaha Moota Bajaajta isla goobta ku geeriyooda.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaatka dowlada Ridada ay shaqo maalmeed ka dhigteen Dilalka,Dhaca,Kufsiga iyo Xariga Joogtada ah ee ay kula dhaqaaqayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu,Somalia.

Comments are closed.