Askarta Maamulka Farmaajo Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Muqdisho.

Maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada waxey qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ku dileen Qof Shacab ah,iyadoona faahfaahin laga helayo dilka loo geystay Qofkaasi shacabka ah.

Maleeshiyaatka dowlada waxey qofkan shacabka ah oo ahaa wiil dhalinyaro ah ku dileen xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid,waxeyna dadka xaafada xaqiijiyeen in dilka wiilka dhalinyarada ah uu yimid kadib markii uu ka dhaga adeegay inuu dhiibo Mobil uu watay oo maleeshiyaatka dowlada ay doonayeen ineey xoog kaga qaataan.

Ugu dambeyntii maleeshiyaatka dowlada ayaa rasaas ooda uga qaaday wiilkaasi dhalinyarada ah taasi oo sababtay inuu isla goobta ku geeriyooda,waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli shacabka magaalada Muqdisho si aad ah uga cabanayaan dhac baahsan iyo dil maleeshiyaatka Maamulka Farmaajo inta badan xilliyada habeenkii ay ka geystaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ruux darawal ka ahaa Mooto Bajaaj ayaa dhintay kadib shil gaari oo saaka aroortii ka dhacay xaafada Geed-jaceel ee degmada Wardhiigley ee magaaladan Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.