Askarta Shisheeyaha Oo Gaari Xamuul Ah Rasaaseeyay.

Gaari XamuulCiidamada Kufaarta Afrikaanta ee difaacyada ka sameystay degmada Afgooye ayaa gaari Xamuul ah ku rasaaseeyay degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhintay labo ruux mid kalane waa ku dhaawacmay oo gabi ahaantooda ah dad shacab ah oo la socday gaariga Xamuulka ee Shisheeyaha ay rasaasta ooda uga qaadeen.

Dhacdadaan naxdinta leh waxaa si aad ah uga carooday dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa caado ka dhigtay dilalka dhaawaca Kufsiga iyo xariga ay kula dhaqaaqaan dadka shacabka.

Calamada.com

Comments are closed.