Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Barakac Xoogan Oo Ka Bilowday Magaalada Xalab Ee Dalka Suuriya.
  • Allposts
  • Warar

Barakac Xoogan Oo Ka Bilowday Magaalada Xalab Ee Dalka Suuriya.

calamada May 2, 2016 2 min read
153

xalab8459Kumanaan dadweyne ah oo ku nool magaalada Xalab ee Waqooyiga dalka Suuriya ayaa billaabay inay ka cararaan guryahooda, wakhti diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Nidaamka Al-Asad ay sii kordhiyeen duqeymaha wuxuushnimada ah ee ay ku hayaan magaaladaasi.

Duqeymaha xagga cirka ah ee lagu hayo magaalada ayaa galay maalintii 12aad, iyadoona saacadihii lasoo dhaafay ay Seddax duqeyn ka dhaceen fagaaraha lagu magacaabo Al-Xurriyah ee kuyaalla Xaafadda Al-Bustaan  ee bartamaha Xalab.

Sidoo kale waxay duqeymo ka dhaceen Xaafadda  Salaaxu-Diin, gaar ahaan dhanka ay ka maamulaan xoogagga kacdoon wadayaasha, lamana oga illa iyo hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymahaasi.

Nidaamka Nuseyriga  waxa uu dhankiisa sii ballaariyay duqeymaha bahalnimada ah ee diyaaradihiisa dagaalku ay ka wadaan magaalada Xalab, waxaana tan iyo shalay weerarro xagga cirka ah ay ku socdeen deegaanno kuyaalla baadiyaha galbeed ee magaalada Xalab.

Diyaaradaha dagaalku waxay sidoo kale si ba’an u garaaceen Waddada muhiimka ah ee lagu magacaabo Al-Kaastiilo, taas oo ah Waddada kaliya ee Saheyda iyo Saadka ay ka helaan Kacdoon wadayaasha ku sugan magaalada, iyadoona haddii Waddadaasi la jaro ay go’doon galayaan Boqllaal kun oo ruux oo Shacab ah.

Tan iyo 21-kii bishii lasoo dhaafay ee April waxay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Nidaamka Nuseyriga ah ay duqeymo arxan darro ah ka fuliyeen magaalada Xalab, iyadoona duqeymahaasi ay ku dhinteen inkabadan 235 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 1500 ruux oo kale.

Dhanka kalena qaar ka tirsan Xoogagga Mujaahidiinta iyo Kooxaha Kacdoon wadayaasha Suuriya ayaa ku heshiiyay in dib loo howl-geliyo Isbaheysiga Jeyshul Fatxi, iyadoona isku shaandheyn lagu sameeyay qaab dhismeedkii Isbaheysigaasi, halku lagu soo biiriyay Uuro hor leh sida Ururka Al-Xizbul Islaami Al-Turkistaani.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 25-07-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm Ee Andalus 25-07-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

August 5, 2022
Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

July 22, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022

Sawirro

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

August 1, 2022
Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

July 31, 2022
Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

July 29, 2022
Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 27, 2022
Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

July 24, 2022
SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

July 21, 2022
Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

July 13, 2022
Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

July 12, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.