Booliska wadanka Kenya ayaa xasuuq iyo argagax xoog badan ku sameeyay shacabkood, iyagoo sidoo kalena laayey qaar ka mid ah bulshada wadankooda kuwaas oo banaanbaxyo ka dhigayay magaamada Nairobi.
Dadkaan oo banaanbax sameynayay ayaa ahaa kuwo taageersan kooxda mucaaradka ee uu hogaamiyo Raila Odinga, Waxayna iskugu soo baxeen qaybo kamid ah wadanka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi iyagoo codsanayay in lakala diro gudiga doorashooyinka wadanka Kenya.
Booliska kahortaga rabshadaha ee Kenya ayaa awood xad-dhaaf ah u adeegsaday dadweynihii isku soo baxay, kuwaas oo dadkii mudaaharaadayaasha ka dhigay qaar ay dilaan, gaar ay jejebiyaan iyo qaar ay xabsiyada u taxaabaan, halka inta badan dadkii kalena ay cagahooda ku baxsadeen
Wararka qaar ahaa sheegaya in gaari uu leeyahay hogaamiyaha mucaaradka wadankaas Raila Odinga rasaas lala beegsaday, isaguna uu goobta ka baxsaday, waxaana ka socda wadankaas cabasho ay dadweynuhu muujinayaan oo ku aadan in Boolisku ay joojiyaan awooda xad-dhaafka ah ee ay shacabka u adeegsanayaan
Hoos ka daawo wixii ay boolisku ku sameeyeen dadkii mudaaharaadayay.
Dhamaad
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com
waxay ilooben casharki ceelcade hala xauuusiyo
libaaxyadiii teendhooyinka kaboodaye
Aniga wan Ku faraxsanhy in ay gaalada Kenya isdilaan shacabkoda iyo askartooda lkn waxan ka xumahy in ay wax yeeleyaan shacabka musliminta kenya illaahey ha xifdiyo shacabkaas qiimaha bdn