Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Cabdi Ileey Oo La Dhigay Xabsi Ku Yaala Addis Ababa .
  • Allposts
  • Warar

Cabdi Ileey Oo La Dhigay Xabsi Ku Yaala Addis Ababa .

August 27, 2018

Hogaamiyihii murtadka ahaa ee maamulka Jigjiga, Cabdi Maxamed Cumar, Cabdi ileey oo tan iyo markii xilka laga xayuubiyey aanan ka soo muuqan warbaahinta, shakina la gelinayey masiirkiisa ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo muuqday Tv-ga rasmiga ah ee ku hadla afka dowladda saliibiyada ah ee Itoobiya, isagoo maxbuus ah oo ay hareeraha ka socdaan ciidamo ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo isugu jiray kuwa hubeysan iyo kuwa aanan hubeysneen.

Muuqaalka ayaa muujinayey Cabdi ileey oo lagu sii xareynayo gaari nooca raaxada ah, islamarkaana ay labada dhinac ka taagan yihiin laba askari. TV-gu wuxuu sheegay in Cabdi ileey loo sii dhaadhiciyey xabsi islamarkaana uu ku jiri doono gacanta ciidamada amaanka inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada ku aadan eedeymaha lagu soo oogay.

Waxa ugu weyn ee ay dowladda Xabashida Itoobiya ku eedeyneyso ayaa ah amar diidadii uu sameeyey markii lagu armay inuu xilka soo wareerjiyo, iyo inuu kiciyey rabshado iyo colaado sokeeye oo iska hor keenay qabaa’ilada ku nool gudaha dalka Itoobiya.

Intaas waxaa sii dheer waxaa jira eedeymo iyo dacwado ay ku soo ogeen siyaasiyiin badan oo ka tirsan mucaaradka gobolka Soomaali-galbeed kuwaas oo dalbanaya in lagula xisaabtamo gumaadka iyo gaboodfaladii uu ku kacay mudadii 13-ka sano ahayd ee uu heystay xukunka gobolka, awoodana ku maquuninayey shacabka.

Cabdi Ileey ayey ka muuqaataa Daruufo iyo Murugo adag,isagoona si aad ah u caatoobay waxeyna tani muujineysaa iney Murtad Ina Ileey ay heysato xaalad adag.

Soo muuqashada Cabdi ileey uu soo muuqday isagoo loo sii dhaadhicinayo xabsi ku yaalla Addis Ababa waxay timid iyadoo Abey Axmad, Ra’isul wazaaraha dowladda saliibiyada ah ee Itoobiya oo maalin ka hor qabtay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyey tan iyo markii uu la wareegay talada dalka bishii Abril ee la soo dhaafay, uu sheegay in hadda xukuumadiisu ay gacanta ku heyso saraakiisha maamulkii hore ee Jigjiga kuwaas oo uu sheegay in ay ku lug lahaayeen dhibaatadii ka dhacday gobolkaasi.

Mar wax laga weydiiyey masiirka hogaamiyihii hore ee maamulkaas Cabdi ileey oo hadda ku jira xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ayuu Abey Axmad sheegay in ninkaas la soo taagi doono Maxkamad islamarkaana uu wajihi doono dacwado ku aadan gaboodfaladii uu ku kacay mudadii uu xukunka heystay.

Ciidamada military-ga Itoobiya ayaa bishii la soo dhaafay iqtixaamay magaalada Jigjiga, lana wareegay xarumihii iyo dhismayaashii maamulkii Cabdi ileey taas oo keentay in ay bilowdaan rabshado xoogan oo u dhexeeya ciidanka iyo dadka deegaanka.

Balse ciidamada xabashida ayaa markii dambe ku guuleystay in ay soo qabtaan Cabdi ileey iyo saraakiishii la shqeyneysay, islamarkaana ay gobolka u magacaabaan hogaamiye kale oo u hogaansan danahooda.

Dowlada Xabashida Itoobiya ayaa caan ku ah in markasta oo ruuxa daba dhilifka u ah ku shaqeysato oo ay ku gaarto dantii ay la heed iney ku sameyso qofkaas Labo Arimood midkood kuwaasi oo kala ah iney Xabsi dhigto kuna jiro xabsigaas inta uu ka dhimanayo ama ay si toos ah u disha,waxa uuna Cabdi Ileey oo hadda ku xiran xabsi ku yaala Caasimada Addis Ababa  Dowladda Itoobiya ka sugayaan iney kula dhaqaaqdo Labadaasi arin midkood.

 

Continue Reading

Previous: Qarax Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Next: Sawirro: Dowladda Mareykanka Oo Tababar usoo Xirtay Maleeshiyaad Katirsan Dowladda Federaalka.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-4-1444 Hijri

November 21, 2022
Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.
  • Allposts
  • Warar

Amniga Magaalada Garoowe Oo Faraha Ka Baxay.

November 21, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Cod Beesha Gaaljecel Oo Soo Bandhigtay Ciidan Hubeysan.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.