Muxamed Axmed Saciid Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Rag hubeysan waxey gudaha degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ku toogteen sarkaal sare oo ka tirsanaay Booliska dowlada Ridada federaalka.

Sarkaalkan waxaa lagu magacaabi jiray Muxamed Axmed Saciid’waxey ragga hubeysan dhowr Xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalkan isla goobta ku geeriyooda.

Dilkan waxa uu imaanaya xilli sidoo kale weerar Bam ah lagu qaaday hooyga Axmed Shire oo ah agaasimaha Wazaaradda Maaliyadda dowlada Ridada federaalka oo ku yaala degmada Wardhiigley’waxeyna warar hoose sheegayaan in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.