Cabdullaahi Mayoonga Oo Lagu Weeraray Magaalada Muqdisho.

muqdishoHowlgal gaar ah oo siweyn loo qorsheeyay ayaa maanta lagu beegsaday murtadka lagu magacaabo C/laahi Xuseen ( Mayoonge ) oo kamid ah waxa lagu sheego xer ilaaliye yaasha kooxda ridada Somalia.

Murtadkan oo ciidamada Mujaahidinta muddo ay ku daba jireen ayaa maanta gaari uu watay lagu rasaaseeyay qeybo kamid degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho,wararka ayaa sheegaya in dhaawac halis ah uu soo gaaray murtadka, qaar kamid ah askar lasocotayna ay weerarkaasi kudhinteen.

Sidoo kale warar si hoose aan u heleyno ayaa sheegaya in uu dhintay C/laahi Xuseen oo ahaa kuxigeenka xer ilaaliyaha Maxkamada maleeshiyaadka murtadiinta.

Sarkaal katirsan ciidanka Mujaahidiinta ayaa idaacada andalus usheegay in murtadka maanta lagu beegsaday Wardhiigley uu ahaa mid dhibaato ku hayay shacabka muslimiinta ah uuna ka dambeeyay dilal badan oo macno daro ah oo murtadiinta ay kulaayeen dhalinyaro muslimiin oo aan wax galabsan.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.