Cabdulle Xasan Oo Lagu Dilay Degmada Yaaqshiid.

Rag hubeysan waxey gudaha degmada Yaaqshiid gaar ahaan suuq weynaha Suuq Bacaad ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdulle Xasan Xuurey ayeey ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in askariga isla goobta ku geeriyooda.

Ragga hubeysan ayaa la xaqiijiyay in dilka kadib goobta si nabad ah kaga dhaqaaqeen’waxaa dilka kadib goobta soo gaaray maleeshiyaatka dowlada federaalka ee ka howlgala suuq Bacaad kuwaasi oo halkaasi ka qaaday meydka askariga.

Maalmihii dambe waxaa gudaha magaalada Muqdisho si xiriir ah kaga dhacayay dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka iyo odayaashii soo dhisay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dowlada federaalka.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.