Cali Shangaani Oo Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah duleedka magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona xog dheeraad ah laga helayo dilkaasi.

Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Weedow ee duleedka magaalada Muqdisho,waxeyna ragga hubeysan sarkaalkan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku baqtiya.

Sarkaalkan lagu dilay deegaanka Weedow ayaa lagu magacaabi jiray Cali Shangaani kaasi oo gacan yare u ahaa Murtadka dowlada Ridada ugu magacaaban gudoomiyaha Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ninka lagu magacaabo Liibaan Cali Shuute.

Sarkaalkan la dilay ayaa sidoo kale ahaa Taliyaha Maleeshiyaatka Qaabilsan Toogashada dadka shacabka ah ee Maxkaamda dowlada ay kusoo rogta dambiyada Beenta ah ugu dambeyntiina ay ku xukunta dilka Toogashada ah kuwaasi oo dowlada ay ku toogato fagaaraha Iskuul Booliisiya.

Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,iyadoona mudooyinkii dambe Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka dowlada Farmaajo ee ay ka fulinayaan gudaha magaalada Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

2 Comments
  1. Nasir Muse says

    JAZAKALUH RAGII MURTADKAAAS DHADHANSIIYEY GEERIDA XANUUNKEEDA

  2. Nasir Muse says

    MUXUU DAD MUSLIMIINA UU BEEN BEEN KU TOOGTEY.
    NIMANKAAN MURTIDIINTAA EE VILLA SOOMAALIYO KU DHUUNTO DADKA WAXEEY TOOGTAAN WAX LA YIRAAHDO 4,5 HALKA WILAAYAADKAA ISLAAMIGAA AAN LAGA AKHOON 4,5 IWM

Comments are closed.