Camaliyad Istish-haadi Ah Oo Ka Dhacday Gobalka Helmand.

Dalka Afghanistan waxaa saacdihii lasoo dhaafay ka dhacday Camaliyad Istish-haadi ah oo lagu weeraray xarun ciidan oo ku taala gobalka Helmand ee Konfurta Dalkaasi.

Saldhiga sida gaarka ah Camaliyadda Istish-haadiyada loola beegsaday ayaa ah saldhig si wada jir ah ay uga howlgalaan ciidamada Milatariga iyo kuwa Nubadsugida maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.

Saldhiga la weeraray waxa uu ku yaalaa deegaan Nahar Siraaj oo hoostaga degmada Jariishka ee gobalka Helmand waxaa camaliyadda fuliyay walaal lagu magacaabo Miqdaad oo ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan kaasi oo hogaaminayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Websaydka Imaraada Islaamiga ayaa baahiyay in Camaliyaddaasi lagu dilay 28 isugu jirta saraakiil iyo askar sidoo kale waxaa ku dhaawacantay Siddeed kale.

Sidoo kale Camaliyaddaasi waxaa lagu burburiyay gaari Gaashaaman iyo Saddex gaari kale oo kuwa dagaalka ah sidoo kale waxaa burbur xoogan soo gaaray saldhiga la weeraray.

Halkan Ka Booqo Warbixinta Webka Imaarada.

Calamada.com

Comments are closed.