Camaliyad Istish-haadi Ah Oo Lagu Weeraray Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Duleedka Kismaayo.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo oo maalmahaan dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadeen ciidamo huwan ah oo uu horkacayo Maraykanka ayaa ku waramaya in camaliyad naf-hurnimo ah lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baar Sanguuni oo dhaca duleedka Kismaayo.

Mujaahid Istish-haadi ah oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha ugalay xarunta oo ay ku sugnaayeen b0qolaal askari oo murtadiin ah,waxaa la sheegayaa inuu jiro  khasaaro xooggan oo soo gaaray ciidamada dowladda Ridada.

Maalin ka hor  ayay ahayd markii dagaal xooggan lagu qaaday ciidamada huwanta, dagaalkaasi oo uu ku dhintay Askari Ameerikaan ah afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Saliibiyiinta Maraykanka iyo kuwa Kenyaatiga ayaa saldhiga ka cararay waxayna kaga tageen ciidamada Soomaalida ah ee katirsan dowladda ee daba dhilifka u ah Kufaarta soo duushay.

Comments are closed.