Camaliyad Istish-haadi Ah Oo Muqdisho Lagula Eegtay Masuuliyiin Ka Tirsan DF.

Jugta camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyay halyey ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta barqadii si wayn looga maqlay qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir taas oo lala beegsaday masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka ah.

Howlgalkan Istish-haadiga ah waxa uu si gaar ah kaga dhacay bar Kantarool oo lagu hubiyo gaadiidka gala iyo kuwa ka baxa xarunta madaxtooyada dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho waxaana halkaas ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray masuuliyiinta dowaldda.

Halyeyga Istish-haadiga ah ee camaliyadda fuliyay waxa uu gaari miinaysan oo uu kaxeynayay bartanka ka dhigay kaantaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada dhanka ceelgaabta ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno ka tirsanaa kooxda Farmaajo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay si horu dhac ah u xaqiijiyeen in weerarka nafhurnimo ay ku le’deen saraakiil iyo masuuliyiin dwladeed oo ka tirsan xukuumadda federaalka kana mid ahaa bartilmaameedka camaliyadda.

Nagala Soco Wixii Soo Kordha Insha’allaah.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.