Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose lagu dilay canshuur qaade ka tirsanaay maamulka dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban degmada Afgooye ee gobalkaasi.
Dilka waxa uu ka dhacay suuqa degmada gaar ahaan qeybta lagu iibiyo alaabta jiifka’iyadoona dilka sargaalka ay ka dambeeyeen rag biskoolada ku hubeysan kuwaasi oo dilka kadib goobta si nabad ah kaga baxsaday.
Goobta lagu dilay sarkaalka canshuur qaadaha ah waxaa soo gaaray maleeshiyaat ka tirsan kuwa dowlada ridada federaalka kuwaasi oo muddo kooban hakad galiyay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee qeybo ka mid ah suuqa degmadaasi.
Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor qarax ka dhacay suuqa xoolaha lagu iibiyo ee degmada Afgooye ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad 10 ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.
ASC,Canshuur maa jirto waa baad iyo xoog,
Murtadkaan hada gaalnimuu ku dhintey