Ciidamada Burundi Oo Dilay Qof Shacab Ah Oo Ay Ka Qafaasheen Deegaan Sh/dhexe Ka Tirsan.

Wararka laga helayo degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in ciidamada Kufaarta Burundi ee duulaanka ku jooga degmadaasi ay dileen qof shacab ah oo dhawaan ay kasoo qafaasheen deegaan hoostaga degmada Mahadaay.

Dadka deegaanka ayaa xusay iney arkeen meydka Nin xoola dhaqato ah oo maalmo ka hor ciidamada Burundi kasoo qafaasheen deegaanka Jahweyn oo qiyaastii 8-km dhanka Bari kaga beegan degmada Mahadaay’waxey dadka deegaanka intaasi ku dareen in ciidamada Burundi meydka qofka shacabka ah ay soo dhigeen duleedka degmadaasi.

Ninkan maalmo ka hor ciidamada Nasaarada Burundi kasoo qafaasheen deegaanka Jahweyn ayaa lagu magacaabi jiray Shariif Weydow Casir’iyadoona dilkiisa ay si aad ah uga naxeen shacabka ku dhaqan degmada Mahadaay iyo deegaanada hoostaga.

Calamada.com

Comments are closed.