Ciidamada Burundi Oo Gaari Looga Gubay Shabeelada Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Burundi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala eegtay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi oo ka baxay deegaanka Buurane kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe.

Miinada ayaa la xaqiijiyay iney haleeshay oo ay burburisay gaari Booyad ah oo Nasaarada Burundi ay wateen waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Qaraxan gaariga Booyada looga gubay Nasaarada Buru ndi ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo ka dhacay gobalka Shabeelada hoose saddex gaari looga gubay ciidamada  Kufaarta Afrikaanta.

Calamada.com

Comments are closed.