Ciidamada Burundi Oo Lagu Weeraray Konfurta Soomaaliya.

dagaal kamiinWararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ee Konfurta dalka Somaliya ayaa sheegaya in barqo nimadii maanta weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Weerarka dhabba galka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Miir-taqwa oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.

Kamiinka waxaa loo dhigay ciidamo Burundeys ah oo wadada ku lugeynayay kuwaasi oo doonayay iney wadada usii sahmiyaan kolanyo gaadiid Afrikaan ah oo doonayay iney kasoo baxaan deegaanka Ceelbaraf si ay u gaaraan degmada Mahadaay.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya iney jiraan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo askarta Burundi kasoo gaartay kamiinka ka dhacay duleedka deegaanka Miir-taqwa.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Calamada.com

Comments are closed.