Ciidamada Dowlada Federaalka Oo Dad Shacab Ku Rasaaseeyay Gobalka Shabeelada Dhexe.

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka tiro dad shacab ah ku rasaaseeyeen deegaan hoostaga degmadaasi.

Maleeshiyaatka dowlada federaalka waxey dadka shacabka si gaar ah ugu rasaaseeyeen deegaanka Biyo cadde oo dhaca duleedka degmada Mahadaay rasaastaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhintay hal ruux oo goob caafimaad ku lahaa deegaanka’sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo isagana ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dhawaan ayeey aheed markii sidoo kale ciidamada Kufaarta Burundi saddex ruux oo shacab ah ku dileen duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.

Calamada.com

Comments are closed.