Ciidamada Dowladda Kenya Oo Lagu Weeraray Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar abaabulan ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ay ka samaysteen deegaannada dhaca xeebaha wilaayada Jubbooyinka.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan waxay ciidamada jamhadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wialayada Jubbooyinka ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ka samaysteen deegaanka Jaziiradda Kudhaa waxaana halkaas ka dhacay dagaal faraha la iskula tagay oo u dhaxeeyay ciidamada shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamada dowladda Kenya.

Ilo wareedyo muhiim ah waxay wariyeen in dagaalyahannada mujaahidiinta Al-shabaab ay dhowr jiha ka weerareen saldhigga ciidanka Kenya ee jaziiradda Kudhaa. waxaana jira khasaare kala duwan oo ciidamada dowladda Kenya lagu gaarsiiyay dagaalka.

Deegaanka Kudhaa waxa uu ka mid yahay deegaannada dhaca wilaayada Jubbooyinka ee badanaa marti galiya weerarada habeen dheelmadka ah ee jihaadiyiinta xarakada Al-shabaab.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

1 Comment
  1. Cilmi says

    Alluhu akbar

Comments are closed.