Ciidamada Imaarada Islamiga Afghanistan Oo La Wareegay Degmo Muhiim Ah.

junuud ImaarahWararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay si buuxda ula wareegeen degmo muhiim ah oo ka tirsan gobalka Baadgis ee dalkaasi.

Degmada sida tooska ay ula wareegeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ayaa lagu magacaabaa Gormach’iyadoona ciidamada Mujaahidiinta muddo isbuuc ah ay go’doomiyeen magaalada taasi oo ugu dambeyntii sababtay iney dagaal kula wareegaan.

Webseydka Imaarada Islaamiga Afghanistan qeybta Carabiga ee alemarah-arabic.com ayaa baahiyay in ciidamada Mujaahidiinta intii dagaalka uu socday ay dileen 30 askari sidoo kale ay dhaawaceen 15 kale oo gabi ahaan ah maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka dowlada Nasaarada Mareykanka ay ka dhistay dalkaasi Afghanistan.

Sidoo kale Webka Imaarada Islaamiga ayaa intaasi ku daray in ciidamada Mujaahidiinta ay qaniimeysteen gaadiid dagaal iyo hub fara badan.

Dhanka Imaarada Islaamiga waxaa dagaalkaasi kaga shahiiday Afar Mujaahid Shan kale weey kaga dhaawacmeen’iyadoona maalmo ka hor ay aheed markii sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Lashkar-gaah oo ah xarunta gobalka Helmand ee dalka Afghanistan.

Halkan Ka Akhriso Warbixinta Webka Imaarada Islamiga Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.