Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in gabi ahaan degmadaasi ay isaga carareen ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Kabixitaanka Xabashida Itoobiya ee degmada Aadan yabaal ayaa kusoo aadeysa xilli labo maalin ka hor kaliya ciidamada Itoobiya ay duulaan ku qabsadeen degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Dadka shacabka ee ku dhaqan degmada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Xabashida Kufaarta Itoobiya si dhuumaaleysi ah ay uga baxeen degmada iyagoo aanan ku wargalin maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Sidoo kale maleeshiyaatka dowlada markii ay dareemeen in Xabashida Itoobiya isaga baxeen degmada ayeey iyaguna ka daba baxeen’waxey Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka dowlada u dhaqaaqeen dhanka degmada Moqokori oo markii ay kasoo baxeen.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Kolanyada Kufaarta Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaatka Ridada ee ka baxay degmada Aadan Yabaal imika ay marayaan deegaan lagu magacabaaba Mubaax oo 8km u jira Aadan yabaal’waana deegaan dhaca wadada isku xirta degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee ka kala tirsan gobalada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa la xaqiijiyay in markii ay ka baxayeen degmada dhac baahsan u geysteen goobaha ganacsiga ee degmada’waxeyna sidoo kale dileen ruux shacab ah oo la xaqiijiyay inuu ahaa ruux madaxa looga jira.
Calamada.com
Gaal cararay kama ay haraan ciidanka islaame
Cagta maashayaa iyo kufrow baqo cid lay saaba
Curadadi shabaab kaama harin cifana may saane
Cawaantaad kudaan iyo idinba way cartiiqeene
Cilmi gaab wadaad xume kufriga cuno ka goobaaya
Misna caynti jaajuus ahay ceeb u taa shaaye
Cawo iyo nasiib gaal malahan caasin rabigiise
Ciidamada Islaam kow kufriga gooya cirib tiisa
Cisho qura markuu joogay oo caanad heli waayey
Caga barar wa kaa Aadan Yabaal caaqu uga guuray
Culays bay dareemeen markay shacab cidlee yeene
Ciidiyo dhulkaa neceb kufriga soo candhaaq sadaye
Casiis kaa ku mahadsane islaam ciil bax dayr taane
Ciidamada islaam kow kufriga gooya cirib tiisa