Ciidamada Jabuuti Oo Caruur Ku Rasaaseeyay Degmada Jalalaqsi.

jabuuti-murtadiinWararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowlada Ridada Jabuuti rasaas hubiyeen caruur aad u da’yar oo ku sugnaay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Rasaasta ayaa timid kadib markii caruur aad u da’yar dhagaxaan ku tuureen askar Jabuutiyaan ah oo marayay agagaarka Masjidka daba qeynka xaafadaha dhanka Galbeed ee degmada Jalalaqsi.

Askarta Jabuuti oo qaarkood ay haleeshay dhagaxaantii caruurta ayaa iyaguna rasaas ooda uga qaaday caruurtii dhagaxaanta kusoo tuurtay kuwaasi oo ay rasaasta hoos ugu dhigeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in rasaastaasi ay ku dhaawacantay haweeney xiligaasi wadada mareysay’iyadoona wax dhimasho ama dhaawac ah aysan soo gaarin caruurtii askarta Jabuutiyaanku rasaasta ku fureen.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii ciidamada Ridada Jabuuti haweeney kufsi xoog ah ugu geysteen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Calamada.com

Comments are closed.