Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Jubbaland Oo Lagu Weeraray Duleedka Kismaayo.

Wararka ka imaanaya deegaanada dhaca duleedka magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay weeraro toos ah ku qaadeen saldhigyo ciidan oo shisheeyaha iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka wada samaysteen deegaaanno dhanka waqooyi iyo galbeed ka xiga magaaalda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada jamhadda Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Jubbooyinka waxay weerarka hore oo ahaa dagaal toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada maamulka isku magacaabay Jubbaland ay ka samaysteen deegaanka Baarka oo dhaca duleedka magaaalda Kismaayo.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa lasoo wariyay in si xun loogu jabiyay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe waxaana dagaalka ka dhashay khasaare culus oo soo gaaray maleeshiyada saldhigga lagu weeraray.

Dhanka kale waxay ciidamada Mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda Kenya ay ka samaysteen deegaanka Cabdalla biroole oo dhanka galbeed 50 KM kaga beegan duleedka magaalada Kismaayo.

Iska hor’imaad hubeysan oo u dhaxeeyay ciidamada shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamada dowladda Kenya ayaa ka dhacay gudaha saldhigga waxaana la wariyay khasaare culus oo ciidanka Kenya lagu dhaxalsiiyay dagaalka inkastoo aanan la helin numberka khasaare ee ciidmada Kenya ku gaaray dagaalka maadaama uu dhacay xilli habeen ah.

Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.

Calamada.com

Comments are closed.