Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray Deegaan Ka Tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

dagaal mujaahidiinta 5165Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Nasaarada Kenya ay ka sameysteen mid ka mid ah deegaanada ay duulaanka kaga suganyihiin gobalka Jubbada hoose.

Deegaanka sida gaarka ah Shabaabul Mujaahidiin u weerareen ayaa ah deegaanka Taabto muddo sanado ah duulaan ku joogaan askarta Kenya oo qeyb ka ah gaalada Madow iyo kuwa Cadaanka ah ee duulaanka kusoo qaaday qeybo ka mid ah Konfurta iyo bartamaha dalka Somali.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalkii xalay uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaay ee ka dhacay deegaanka kaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha Nasaarada Kenya kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Taabto ee gobalka Jubbada hoose’waxa uu dagaalkan imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax iyo kamiin lala beegsaday kolanyo isugu jirta American iyo Kenyaati oo ka dhacay duleedka Kismaayo lagu gubay gaari Beebo ah tiro askarna looga dilay kolanyada kamiinka loo dhigay.

Calamada.com

Comments are closed.