Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray Gobalka Gedo.

Ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab waxey weerar xooggan ku qaadeen deegaanka Buusaar oo ka tirsan gobalka Gedo kaasi oo saldhig iyo difaacyo ay ka sameysteen ciidamada Saliibiyiinta Kenya iyo maleeshiyaatka Kabo qaadka u ah.

Deegaanka waxaa ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha u galeen deegaankaasi.

Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in ciidamada Kenya khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo aad u xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Buusaar.
Gobalka Gedo ayaa ka mid ah gobalada ay duulaanka ku joogaan ciidamada Kenya oo qeyb ka ah Kufaarta kusoo duushay dalka Somali,iyadoona habeen hore sidaan oo kale dagaal culus lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ay ka sameysteen degmada Afmadow ee gobalka Jubbada hoose.

Calamada.com

Comments are closed.