Dagaallo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah ee Dalka Liibiya iyo Maleeshiyada uu hogaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa weli ka soconaya qeybo ka tirsan magaalada Banghazi.
Ilo wareedyo Maxalli ah ayaa sheegay in iska hor imaadyo shalay gelinkii dambe ka dhacay Mandiqadda Al-Dhalxiya ee bariga magaaladaasi in lagu dilay tiro Askar ah oo ka tirsan Maleeshiyada daba dhilifyada ah, iyadoo dhinaca kalena ay Mujaahidiintu taqaddum ka sameeyeen deegaanadii lagu dagaallamay.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Ciidamada Mujaahidiintu inay la wareegeen hub iyo Saanad Meliteri oo ay ka carareen Maleeshiyadaasi, iyadoona ilo wareed uu soo xiganayo Telefeshinka Al-Jazeera uu sheegay in hubkaas lala wareegay qaarkood inay ku jiraan Sahay ay Dowladda daba dhilifka ee Masar ay siisay Dagaal ooge Khaliifa Xaftar.
allahu akbar allah aya mahadmudan gaalada iyo dabadhilifyada dowalada calmaaniyiinta allh ha duleeyo aamiin aamiin aamiiin