Dagaallad ayaa yimid kadib markii ay ciidamada mujaahidiintu ay weerar ku qaadeen isku imaatino ay maleeshiyaadka DF-ka uga sugnaayeen gudaha magaalada Marka.
Wariye ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegay in ciidamada Al Shabaab ay xalay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada kadib markii maleeshiyaadka DF-ka laga saaray xarunta degmada iyo saldhigga booliska.
Saaka aroortii hore ayay ciidamada Mujaahidiinta dib uga gurteen magaalada iyadoona maleeshiyaadka DF-ka ay dhankooda dib ugusoo laabteen saldhigyadii xalay laga qabsaday.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sarkaal sare ay ku dileen qaraxii Xaawa Cabdi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ladilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Digtoorka oo heystay saadka garoonka Ballidoogle.