Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday saldhig ciidan oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ay ka sameysteen bartamaha degmadaasi.
Saldhiga ciidamada Mujaahidiinta ay weerareen waxa uu ku yaalaa agagaarka boosteejada laga raaca gaadiidka ka baxa degmada Afgooye ee aada dhanka magaalada Muqdisho.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga degmadaasi.
Idaacada Islaamiga Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta Muddo saacada ah ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga ay weerareen’iyadoona dagaalka lagu dilay tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com