Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Iyo Kuwa Kenya Oo Ku Dagaalamay Jubbada Hoose.

Wararka laga helayo gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in deegaan ka tirsan gobalkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Saliibiyiinta Kenya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab dagaal culus ku qaadeen saldhiga iyo difaacyada ciidamada Saliibiyiinta Kenya ay ka sameysteen deegaanka Qooqaani ee gobalkaasi.

Dagaalkan waxey Labada dhinac isku adeegsadeen kala duwan iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano ka tirsan gobalka Jubbada hoose,waxeyna Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi uu u dhacay qaabkii loo qorsheeyay.

Dagaalkan waxa uu imaanaya xilli dhawaan weerar lagu dilay Askari American ah ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Calamada.com

Comments are closed.