Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Istiraatiiji Ah.

mujaahidiinta 544555Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen deegaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobalkaasi.

Deegaanka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerareen waxaa fariisimo ku leh maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka’iyadoona dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin fara badan oo ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gabi ahaan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka’iyadoona maleeshiyaatkii dowlada Ridada federaalka ee ku sugnaay deegaanka ay noqdeen maleeshiyaat dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka iyo kuwoo bad qabo oo u cararay dhanka degmada Afgooye.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Calamada.com

1 Comment
  1. hassan says

    guuuuul guuuuuuul guuuuuul الله اكبر ولله الحمد

Comments are closed.