Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo La Wareegay Deegaan Gaarisa Hoostaga.

Kenya LamuWararka ka imaanaya magaalada Gaarisa oo qeyb ka ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen deegaan hoostaga magaaladaasi.

Deegaanka Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen ayaa lagu magacaabaa Haluuqa oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Gaarisa’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan la wareegida deegaankaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka’waxeyna Shabaabul Mujaahidiin gubeen xarunta shirkada Safaari ee deegaankaasi.

Ciidamadii Booliska Nasaarada Kenya ayaa gabi ahaan isaga cararay deegaanka kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay galeen qeybo ka mid ah deegaankaasi.

 

Calamada.com

Comments are closed.