Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Afrikaanta tiro madaafiic ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaaladaasi.
Madaafiicdan waxey shisheeyaha ku garaaceen xaafada Rusiya oo ka mid ah xaafadaha ugu waaweyn ee magaalada Marka’iyadoona dhawaaqa madaafiicda laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaafiicda ay sababeen khasaara hantiyadeed madaama madaafiicda itoobada badan ay ku dhaceen guryo ku yaala xaafadaasi’lamana soo sheegin ilaa iyo imika wax khasaara nafeet ah oo madaafiicdaasi ay geysteen.
Xilliga ciidamada Kufaarta madaafiicda ku garaacayeen xaafadaha Marka ma jirin wax qarax ama weerar ah oo lala beegsaday shisheeyaha’balse madaafiicdaan waxey kusoo aadayaan xilli maalmo ka hor ciidamada shisheeya tiro dad shacab ah ay ku xasuuqeen degmada Buulomareer ee gobalka Shabeelada hoose.
Calamada.com