Inta la xaqiijiyay Afar ruux ayaa ku geeriyootay iska hor imaad xooggan oo dablay hubeysan iyo Ciidamada Ammaanka ee Dowladda daba dhilifka ee Tuunis ku dhex maray magaalada lagu magacabo Bin-qardaan ee ku taalla xad beenaadka u dhaxeeya dalalka Tuunis iyo Liibiya.
Ilo Wareedyo Ciidamada Ammaanka ka tirsan ayaa u xaqiijiyay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla Al-Jazeera in Askar ka tirsan Ciidamada Meliteriga iyo kuwa Booliiska inay ku dhinteen isku dhaca dhexmaray labada dhinac, inkastoo oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijinin khasaaraha Ciidamada soo gaaray.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalka uu billowday markii xoogag aan heybtooda la aqoonsan ay weerar ku qaadeen Saldhig Meliteri oo kuyaalla magaalada Bin-Qardaan ee ku taalla Xadka dalka Liibiya, iyadoona iska hor imaadka uu sii xoogeystay markii ay goobta ay soo gaareen Ciidamo Booliis ah oo gurmad ahaa.
Maalintii Arbacadii ee todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa isla deegaankaas waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamda Dowladda daba dhilifka ee Tuunis iyo dagaalyahanno hubeysan, waxaana dagaalka halkaas ka dhacay ku dhintay Shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen dhowr ruux oo kale.
Wixii ka dambeeyay duqeyntii ay diyaaradaha duuliye la’aanta ee Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ay ka geysteen magaalada Sabraata ee Dalka Liibiya ayaa waxaa xiisad kacnaan ah ay ka jirtay xad beenaadka u dhaxeeya labada dal, iyadoona ay halkaas ka dhacayeen weerarro is daba joog ah oo ay geysanayeen xoogag Mujaahiin ah.
Dowladda Wadanka Tuunis oo la daalaa dhaceysa ilaalinta Ammaanka xuduudeeda ayaa Kumanaan Askari waxay soo dhoobtay soohdinta ay la wadaagto Dalka Liibiya, iyadoona ka cabsi qabta in dalkaasi lagu soo qaado weerarro la mid ah kuwii bartamihii Sannadkii hore halkaas ka dhacay ee lagu laayay Dalxiisayaal reer galbeed ah.