Ciidamada Yahuuda Oo Toogtay 15 Ruux Muslimiinta Falistiin Ah.

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay toogasho ay ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ka geysteen deegaanno katirsan Marinka Ghaza ee dhulalka Filasdiin.

Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa sheegaya in ugu yaraan 16 qof shacab ah lagu toogtay inta u dhaxaysa Ghaza iyo dhulalka laheysto, dadka lalaayay ayaa dhigayay dibad baxyo ballaaran oo loogasoo horjeedo qabsashada Yahuudda ee dhulalka dhaca daanta galbeed illaa wabiga Urdun.

Goob Joogayaal ayaa sheegaya in ciidamo shiishyahanno Yahuud ah ay madaxa ka toogteen dadka shacabka ah oo xilligaas isku dayay in ay ka tallaabaan Siligga kala qeybiga Ghaza iyo deegaannada kale.

Malaayiin qof Filasdiiniyiin ah ayaa shalay salaaddii Jimcaha kadibna waxay ku dhaqaaqeen dibad baxyo ballaaran oo ay ugu magac dareen “Maalinta dhulka” , waxayna dibad baxyadaas ka caraysiiyeen maamulka Yahuudda.

Ismaaciil Haniya oo ah madaxa xafiiska Siyaasadda Ururka Xamaas ayaa kalimad uu jeediyay ugu baaqay shacabka Filasdiin iyo kooxaha muqaawamada ugu baaqay in ay u aargudaan dadkii lagu xasuuqay Jiidda Ghaza.

Comments are closed.