Ciidamo American Iyo Somali Ah Oo Lagu Weeraray Duleedka Kismaayo.

Ciidamadan isugu jirta Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Murtadiinta Bangarafta Somalida ah ee Mareykanku uu taba baray ayaa kasoo baxay magaalada kismaayo. waxaana ay ugu dambeeyntii soo gaareen tuulo lagu magacaabo baarka oo u dhaxeeysa buulo gaduud iyo sanguuni. halkaasi oo shalay ay dagaalo ku qabsadeen.

Dhowr weerar ayay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen ciidamadaas huwanta ah ee mareykanka uu hor boodaayo. intii ay ku sugnayeen tuulada baarka iyagoo awoodi waayay inay hore u soo dhaqaaqan.

Jabhada Mujaahidiinta wilaayada islaamiga ee jubbooyinka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale dagaal kala hor tegay cadawga duullaanka ku ah dhulka shareeecada islaamka lagu maamulo ee wilaayada islaamiga ee jubbooyinka

Maleeshiyaadka Murtadiinta ee bangaraafta ayaa bilaabay inay dhibaato u geystaan gaadiidka iyo rakabka saaran ee isticmaalaya wadaadaas dheer ee gala magaalada kismaayo.

Gaadiidkii kasoo baxay magaalada kismaayo iyo kuwii kusii jeeday ayaa intaba waxa xanibay maleeshiyaadka murtadiinta ee bangaraafta loo yaqaano iyadoo dadkii musaafurinta ahaana ay goobtaas ku godonsan yihiin.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan qarax lagu gubay gaari Gaashaaman kolanyo isugu jirta American iyo Maleeshiyaat Murtadiin ah lagula beegsaday agagaarka deegaanka Numbar60 ee gobalka Shabeelada Hoose.

 

Comments are closed.