Col Geesey Cali Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

saraakiisha dowladaSarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka gaar ahaan saraakiisha dhanka Militariga ayaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho’iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka sarkaalka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Col Geesey Cali Indhool waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Militariga dowlada Ridada federaalka.

Warar hoose ayaa sheegay in saraalka uu dilay mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah’iyadoona dilka uu yimid kadib markii sarkaalka iyo askariga ay wada murmeen.

Sarkaalkan ayaa lagu dilay degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isbaarada dowlada Ridada federaalka u taala isgoyska Ex-control Afgooye.

Maalmihii u dambeeya waxaa sii xoogeystay khilaafaatka iyo Muranka ka dhaxtaagan xubnaha dowlada Ridada federaalka sida hogaanka kooxda iyo saraakiisha maleeshiyaatka dowlada dowlada Ridada federaalka.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somali.

Comments are closed.