Maamulka Islaamiga ee Wilaayada Galgaduud ayaa maanta soo bandhigay labo askari oo towbadkeenayaal ah oo ka soo goostay safka maleeshiyaadka murtadiinta, Iyadoona askarta ay ka warbixiyeen sababihii ka dambeeyey in ay ka soo baxaan safka murtadiinta.
Askartan ayaa xirnaa dareeskooda iyo hubkii ay kala soo goosteen dowlada federaalka, waxaana ay shaaciyeen in ay ka towbadkeeneen falkii gaalnimo ee ay ku jireen.
Maamulka islaamiga ayaa sheegayey in askarta si wanaagsan loola dhaqmay, islamarkaana loo soo dhaweeyey si la mid ah qaabkii loo qaabilay maleeshiyaatkii iyaga ka horeeyey.
Askartan ayaa dhankooda sheegay in si wanaagsan loo soo dhaweeyey.
Halkan Ka Dhageyso Askarta Towbadkeenayaasha Ah.
Halkaan Ka Daawo Sawirada Askarta La Soo Bandhigay.