DAAWO Sawirada Degmada Moqakori Oo Maalma Ka Hor Mujaahidiintu La Wareegeen

pic111Ciidamada mujaahidiinta Jabhadda WI Hiiraan ayaa maalma ka hor si buuxda ula wareegay degmada Moqakori oo ka mid ah degmooyinka WI Hiiraan ka dib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa aad u soo dhaweeyey ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee degmadaasi, waxayna sheegeen in cadowga uu halkaas ka geystay dhibaatooyin kala duwan mudadii uu ku sugnaa.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ayaa gudaha u galay degmada saacado un ka dib markii uu ka baxay cadowga, kuwaas oo raayada towxiidka taagay bartamaha magaalada, sidoo kalena burburiyey astaamihii kufaarta iyo murtadiinta.

Dadka deegaanka ayaa guryahooda dib ugu soo noqday, waxaana dib u bilowday ganacsigii iyo isu socodkii dadweynaha kaas oo muddo badan ku jiray qalqal dhanka amaanka ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa degmadaas ku sugnaa wax ka badan sanad iyo laba bilood oo xiriir ah, Waxaana ka bixitaankooda uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii dambe uu cadowga dib u gurasho ka waday deegaano ka tirsan wilaayaatka Hiiraan iyo Galgaduud.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Degmada Moqakori.

DSC03599 (Copy) DSC03601 (Copy) DSC03632 (Copy) DSC03633 (Copy) DSC03641 (Copy) DSC03711 (Copy) DSC03719 (Copy) DSC03725 (Copy) IMG_8504 (Copy) IMG_8537 (Copy) IMG_8544 (Copy) IMG_8554 (Copy) IMG_8576 (Copy) IMG_8605 (Copy) IMG_8669 (Copy) IMG_8751 (Copy) IMG_8765 (Copy) IMG_8816 (Copy) IMG_8818 (Copy) IMG_8829 (Copy) IMG_8856 (Copy) IMG_8876 (Copy) IMG_8966 (Copy) IMG_8989 (Copy) IMG_9145 (Copy) IMG_9149 (Copy) IMG_9175 (Copy) IMG_9179 (Copy) IMG_9208 (Copy) IMG_9209 (Copy)

Comments are closed.