Daawo Sawirada Dufcad Horleh Oo Ka Qalin Jabiyey Mucaskaraatka Imaarada Islaamiga Afghanistan.

Imaarada islaamiga Afghanistan ayaa soo bandhigtay ciidamo horleh oo ay ka soo saartay mucaskaraatka mujaahidiinta ka dib markii ay soo dhameysteen tababaro ciidanimo oo in muddo ah u socday.

Ciidamadan oo gaaraya ilaa 150 askari ayey Imaaradu sheegtay in ay taabacsan yihiin katiibada Istish-haadiyiinta iyo maktabka Jeyshka, ayna soo qaateen duruus kala duwan.

Boqol ka mid ah ciidanka waxay ka soo baxeen Mucaskar lagu magacaabo Khaalid Ibnul Waliid oo ka mid ah mucaskaraatka Imaarada Islaamiga, halka 50-ka kalena ay ka soo baxeen Mucaskarka Abuu Dujaana.

Saraakiisha ciidanka mujaahidiinta ayaa sheegay in ciidamada ay buuxin doonaan furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana qaarkood ay fulin doonaan howlgalada ka dhan ah xarumaha cadowga.

Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay soo bandhigeysay ciidamo kala duwan oo ka soo qalin jabiyey mucaskaraatka tababarada, waxaana tani ay muujineysaa in mujaahidiintu ay ciidan horleh ka dhex helayaan bulshada Muslimka ah ee dhulka Khuraasaan, islamaraakan shabaabka Muslimiinta ay si isdaba joog ah ugu soo biirayaan masiirada jihaadka.

Arintan waxay imaaneysaa iyadoo labadii sano ee ugu dambeysay ee Imaaradu xaqiijisay guullo waa weyn, ayna qabsatay magaalooyin iyo deegaano muhiim ah oo ku yaalla koonfurta waqooyiga iyo bariga Afghanistan gaar ahaan deegaanada sanadihii ugu dambeeyey ay isaga baxeen ciidamada saliibiyiinta ee lagu wareejiyey xukuumada Kabul.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

afghan-8 afghan-1 afghan-2 afghan-3 afghan-4 afghan-5 afghan-6 afghan-7 afghan-9 afghan-10 afghan-11 afghan-12 afghan-13

Comments are closed.