Jimciyaada ixsaan al-kheyriya ayaa shalay markale deegaanka faragurow ee duleedka degmada jilib ka sameysay hawlo baaritaano caafiimaad iyo daawo qaybin loo sameeyay dadka buukanka ah ee ku jira deegaanka Faragurow.
Dhakhaatir ka socota jimciyaada ayaa gudaha uu galay deegaanka faragurow kuwaaso baaritaano ku sameyay dadka buukanka ah ee la il daran cudurka juudaanka iyo ilmahoodaba.
Dadka ayaa qofkasta la weydinayay halka laga hayo isaga iyo ubadkiisa kadiba waxaa la siinayay allaah ayaa daawo leh daawada cudurka haya ee uu markasi sheegtay
Sidoo kale jamciyaddu waxay maalin ka hor u qaybisay dadka ku nool tuulada faragurow raashin noocyo kala duwan ah kuwaasoo la gaarsiiyay 350 qoys.
Dadkan oo ah dad u badan bukaan qaba cudurka juudaanka ayaa inta badan waxaa daawooyinka cudurkan gaarsiisa jamciyadda oo dhowr jeer oo hore daawooyin u qaybisay, hadana waxay ugu dartay raashin, wakhti lagu gudo jiro bisha ramadaan oo aad loogu baahi qabo sadaqaadka iyo wax bixinta.
Codadka dadwaynaha wax loo qabiyay halkan ka dhageyso.
Daawo sawiradda.
allaahu akbar rabbi ajarkiina haidisiiyo islaamka kor allaha kayeelo