DAAWO Sawirada Jimciyada Al-Ixsaan OO Mashruuc Waro Qodis Ah Ka Sameysay WI Baay iyo Bakool.

Jimciyada Al-Ixsaan AlKhayriyah ayaa mashruuc waro qodis ah ka samesay deegaano ka tirsan WI Baay iyo Bakool, taas oo ay ka faa’ideysan doonaan kumanaan muslimiin ah oo u badan beeraley iyo xoola-dhaqato.

Mashruucan waro qodista ah ayaa laga hirgeliyey degmada Buula-Fulaay ee WI Baay iyo Bakool.

Cali Aadan Cabdullaahi oo ah wariyaha Idaacada Islaamiga Andalus ee Baay iyo Bakool ayaa soo sheegaya in mashruucan uu qeyb ka yahay Olole mudooyinkii la soo dhaafay ay hay’addan ka waday WI Baay iyo Bakool.

Mashruucan ayaa faa’ido weyn u leh dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Fuula-Fulaay iyo deegaanada hoosyimaada.

Halkaan Ka Daawo Sawirada

5-copy-copy 10-copy-copy 16-copy-copy 17-copy-copy 18-copy-copy 19-copy-copy 21-copy-copy 22-copy-copy 23-copy-copy 24-copy-copy 28-copy-copy 29-copy-copy 30-copy-copy 32-copy-copy 35-copy-copy

Comments are closed.