Daawo Sheekh Xasaan Xuseen Oo Jeediyay Kalimad Ku Aadan Salaada Tahajudka Ama Taajudka.

Caawa Bisha Barakeysan ee Ramadan Waa Labaatan waxaa si toos ah loo guda galayaa Tobankii dambe ee Bisha Ramadaan oo ah Toban aad u fadli Badan,waxaana Tobankan dambe ee Ramadan ku jirta habeen aad u fadli badan oo ah Leylatul Qadri.

Webeysdka Calamada waxa uu idiin soo gudbinayaa Kalimad kooban oo uu jeediyay Sheekh Xasaan Xuseen Aadam Abuu Salman,waxa uu sheekha kalimadan kaga hadlay Salaada Tahajudka Ama Taajudka ee dadka Muslimiinta ay dukadaan Tobanka Habeen ee dambe bisha Ramadan.

Sheekha ayaa sharaxaad ka bixinaya Salaadan waxey tahay iyo cidda Bilowday,waxa uu sidoo kale cadeynayaa Farqiga u dhaxeeya Salaada Tahajudka iyo Salaada Taraawiixda.

Halkan Hoose Ka Daawo Kalimadda Sheekh Xasaan Xuseen.

Calamada.com

Comments are closed.