Daawo Xakiimul Ummah Oo Ka Hadlay Go’aanka Trump Uu Magaalada Qudus Uga Dhigay Caasimadda Yahuudda

Mu’asasada As-saxaab oo ah garabka warbaahinta ee Mujaahidiinta Al Qaaciddah ayaa baahisay kalimad cusub oo uu jeedinayo Amiirka guud ee Mujaahidiinta Al-qaacidah Sheekh Aymen Al Dawaahiri wuxuuna kaga hadlayaa arrinta Qudus.

Dr. Aymen ayaa sheegay in go’aankii kasoo baxay Donald Trump ee caasimadda Yahuudda ugu aqoonsaday magaalada Qudus uu ahaa mid ay wax ka ogaayeen dowladaha dawaaqidda Carabta iyo kuwa maamula wadamada caalamka islaamka.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in dhammaan dowladahaas ay saxiixeen in Yahuuddu ay kamid noqoto golaha Q.Midoobe islamarkaana ay ogolaadeen in ay ka tanaasulaan ku dhaqanka shareecada islaamka taas oo billaaw u aheyd in muqadasaadka muslimiinta laqabsado.

Kalimadda oo ciwaankeedu yahay “Talaabiib waa dhulka muslimiinta” ayuu Xakiimul Ummah Muslimiinta ku xusuusiyay in dowladaha Carabta qaarkood ay cilaaqaad la sameysteen Yahuudda sahyuuniyadda ayna ku garab siinayaan sii heysashada dhulka Filastiin ayna ku raalli noqdeen in Qudus iyo Talaabiib ay noqdaan caasimadda waxa loogu yeero Israa’iil.

Hoggaamiyaha Al Qaacidda ayaa kalimaddiisa ku carrab dhabay in ka tanaasulidda isku xukunka shareecada islaamka iyo raalli gelinta reergalbeedka ay dhalisay in dharaar cad America iyo saliibiyadda caalamiga ah ay ku dhawaaqaan in Qudus tahay magaalo Yahuudda leedahay.

Warkan kasoo baxay Mujaahidiinta Al Qaacidda ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay maanta safaaradeeda Israa’iil u rari doonto magaalada Qudus oo ay u aqoonsatay caasimadda Yahuudda waxaana lafilayaa in Donald Trump uu jeediyo Khudbad uu arrintaas ku maamuusayo.

Halkan Ka Daawo Kalimadda Xakiimul Ummah.

Halkan Ka Degso Kalimadda Xakiimul Ummah.

Halkan Ka Doono Linkiyo Fara Badan Oo Kalimadda Ah.

Comments are closed.