
Shirkadda ammaanka iyo Istaraatiijiyadda ka faaloota ee STRATFOR ayaa baahisay muuqaallo lagu qaaday dayax gacmeedka oo muujinaya xoogaga dowladda Islaamiga ah oo gubaya saldhig melleteri oo melleteriga Ruushka uu ku leeyahay gobolka Homs ee bartamaha Suuriya.
Sawirrada ay baahisay STRATFOR oo ahaa kuwa la qaaday isbuuc ka hor waxaa kasoo muuqanaya xoogaga Kooxda Dowladda Islaamiga oo gubaya Afar katirsan diyaaradaha Helicopters-ka iyo 20 gaari oo nuuca xamuulka ah.
Mas’uul u hadlay shirkadda ammaanka STRATFOR wuxuu sheegay in muuqallada uu qaaday mid kamida dayax gacmeedyada shirkadda, shirkaddan laga leeyahay Mareykanka waxay qirtay in muuqaallada ay baahisay uu waafaqsanyahay sheegasho horay uga timid xoogaga dowladda Islaamiga oo aheyd in ay gubeen 4 diyaaradood oo Ruushku leeyahay.
Dayax Gacmeedka ayaa qaaday sawirro muujinaya qubasho ka baxaysa saldhigga melleteriga T-4 oo ay ka haadaan diyaaradaha dagaalka.