Daawo+Dhageyso+Sawiro Mu’asasada Al-kataa’ib Oo Soo Bandhigtay Maxbuus Yugaandhees Ah.

Mu’asasada Al-kataa’ib ee garabka Warbaahineed ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa baahisay Isdaar cusub oo maqal iyo Muuqaal ah kaasi oo uu kasoo muuqanayo askari gaal Yugandheys ah oo sanad ka hor nolasha ay ku qabteen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y waxa uu Ciidamada Meliteriga ee dalka Uganda kusoo biiray Sannadkii 2009kii, isagoona ka mid ahaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom oo Sannado ka hor lagu soo daabulay dalka Soomaaliya.

Masassa M.Y waxa uu farriintiisa kula hadlay Hogaamiyaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, waxa uu sidoo kale la hadlay Shacabka dalkiisa, isagoona codsaday in laga shaqeeyo sidii lagu sii deyn ah oo uu xorriyadiisa u heli lahaa.

Dagaalkii cuslaa ee Sannad ka hor deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu dilay inkabadan 50 Askari oo u dhashay dalka Uganda, waxaa sidoo kale dagaalkaas lagu qabtay Askar Maxaabiis ah, kuwaas oo illaa iyo hadda tiradooda aysan si rasmi ah u sheegin Xarakada Alshabaab.

Halkan Ka Dhageyso Fariinta Askariga Uganda Oo Af-somali lagu Tarjumay.

Comments are closed.