
Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay diyaaradda oo dhulka ku dhacaysa kadib markii lala helay gantaal nuuca lidka diyaaradaha ah.Ragga Firfircoon ee soo tabiya kacdoonka suuriya ayaa sheegay in Jabhadda Al Nusrah ay gacanta ku dhigtay duuliyihii diyaaradda oo kasoo jeeda gobolka Laadiqiyah ee galbeedka Suuriya.
Mujaahidiinta Al Nusrah waxay sheegeen in ay tallaab ka qaadi doonaan duuliyaha nidaamka Nuseyriga u shaqeynayay, dhinaca kale dagaallo culus oo ka dhacay duleedka magaalada Dimishiq ayay xoogaga dowladda islaamiga ah ugu suurtagashay in ay qabsadaan saldhigyo kuyaal agagaarka garoonka melleteriga Al-damiir.
Nidaamka Suuriya oo bilihii lasoo dhaafay qabsanayay magaalooyin iyo deegaano isagoo taageero ka helaya Ruushka ayaa hadda wajahaya dagaal adag oo uga imaanaya xoogaga islaamiga ah.