Dabley Hubeysan Oo La Wareegay Xarumihii Dowlada Ee Magaalada Cadan.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadan ee dalka Yemen waxey sheegayaan in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay saraakiisha maamulka daba dhilifka Cabdi Rabbi Haadi Mansuur,iyadoona saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus uu ka dhacay magaaladaasi.

Dabley hubeysan oo horay uga tirsaneed maamulka Ridada Cabdi Rabbi ayaa dagaal culus ku qaaday xarumihii maamulkaasi ee magaalada Cadan waxa uu dagaalka yimid kadib markii uu dhamaaday waqti dableydaasi ay u qabteen madaxweyanaha daba dhilifka Yemen inuu xilka ka qaado R/wasaaraha maamulkaasi.

Kooxda Mucaaradka noqotay ee ka go’day maamulka daba dhilifka Yemen ayaa si buuxda ula wareegay xarumihii maamulka daba dhilifka  Yemen sida ku meel gaarka ah ugu shaqeynayay ee magaalada Cadan maadaama sanado ka hor maleeshiyaatka Xuuthiyiinya ay la wareegeen xarumihii dowlada ee magaalada Sanca oo ah caasimada dalka Yemen.

Maleeshiyaatka dagaalka kula wareegay xarumaha maamulka Cabdi Rabbi ayaa sheegay iney doonayaan in Konfurta Yemen ay ka go’da dalka Yemen intiisa kale,maleeshiyaatkan waxaa tababaray maamulka daba dhilifka Imaaraatka Carabta oo si joogta ah u xasuuqa shacabka Yemen.

Konfurta iyo Waqooyga dalka Yemen ayaa midoobay oo isku biiray hal dalna wada noqday sanadkii 1990-kii.iyadoona hadii uu sii socda dagaalkan ay suura gal tahay in Konfurta Yemen markale ay gooni u go’da.

Calamada.com

1 Comment
  1. cabdala says

    الله اكبر

Comments are closed.