Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dad Badan Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Baydhabo.
  • Allposts
  • Warar

Dad Badan Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyooday Baydhabo.

January 15, 2017

Bartamaha-Baydhabo2Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in cudurka shubanka uu ku dilay boqolaal qof oo isugu jiro carruur iyo dad waaweyn.

Sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka magaalada Baydhabo maalmihii khamiista iyo jimcaha wuxuu cudurka shubanka ku dilay magaaladaasi 35 qof oo carruur u badan.

Habeenkii Khamiista soo galaysay 7 qof oo dhammaantood ahaa dad qaangaar ah ayuu cudurku ku dilay xaafadda Mursal halka islama maalintii khamiista uu 20 qof ku dilay xaafadda ADC-da, sidoo kale xaafado kaabiga ku haaya isbitaalka weyn waxaa ku dhintay 8 qof.

 Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhimashada ugu daran ay maalintii Jimcaha ka dhacday xaafadaha ku dhow isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo.

Boqolaal qof oo cudurka shubanka uu soo ritay ayaa jiifa isbitaallada magaalada Baydhabo iyadoona uu buux dhaafsamay isbitaalka weyn ee magaalada.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in cudurka daacuun caloolaha uu soo bilaawday wixii ka dambeeyay bishii December 2016 wuxuuna gallaaftay nolosha tobaneeyo qof halka boqolaal kale ay il daranyihiin.

Tirakoob hordhac ah oo la sameeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 130 qof ay celcelis ahaan cudurka u dhinteen balse wali waxaa socda la tacaalidda dadka uu soo ritay cudurkani sida ay sheegeen ilaha caafimaadka Baydhabo Jannaay.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in ceelasha biyaha oo biya yareeyay ay sabab u yihiin in cudurku dilaaco, tusaale ahaan xaafado katirsan magaalada dadka deggan waxay cabaan biyo lagu dhaamiyay kareetooyin (Gaari dameerro), biyahaas waxaa laga dhaamiyay ceelal gaa-gaaban oo laga dhax qoday isha Baydhabo.

Bahda caafimaadka Baydhabo ayaa ka digay in cudurku sii baaho waxayna kula taliyeen shacabka in ay isticmaalaan biya nadiif ah ayna ka fogaadaan biyaha laga keeno ceelasha aan sida hagaagsan uqodnayn.

Waa dhimashadii ugu badneed ee Cudurka shubanka uu ka geysto magaalada Baydhabo toban sano gudahood.

Continue Reading

Previous: Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Maleeshiyaatka Ku Wada Dagaalamay Jowhar.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-4-1444-Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.